Qadar oo ka hadashay Qaraxa lala beegsaday Afhayeenka Xukumadda

Dowladda Qadar ayaa cambaareysay  qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Afhayeenka Xukummadda Sooomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu, xilli gaari uu la socday uu marayay agagaarka Isgoyska Dabka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah.

Dowladda Qatar ayaa Afhayeenka Xukumadda u rajeysay Caafimaad deg deg ah.

Xaaladda Afhayeenka Xukumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa wararkii u dambeeyay sheegayaan in ay deggan tahay isla markaasna ay dhaqaatiirta kula tacaalayaan Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay Macalimuu, xilli uu saarnaa gaarigiisa. Mas’uuliyadda weerarkaasina waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

You might also like More from author