Qaali shire oo ku guuleysatay doorashada kursi yaala Gaalkacyo.

Waxaa Fiidnimadii caawa lagu soo gabagabeeyay doorashada kursi ka mid ah kuraas maantadii hore doorashadooda lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kuwaas oo tiradoodu ahaa 4 kursi.

Afar kursi ayey qabteen doorashadooda Guddiga maamulka doorashada Galmudug, balse waxaa ad kaatay in si fudud ay u qabtaan doorashada Kursiga HOP#060 oo ay ku tartamayeen kaliya haween.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in natiijada wareega koowaad ee kursiga HOP#060 ay kusoo baxeen musharixiinta kala ah, Ubax Tahliil Warsame 44 cod.

Qaali Cali Shire oo heshay 32 cod. Halka Hodan Cabdullaahi Shire  ay heshay iyana17 cod, sidoo kale Ayaan Xuseen Xasan ayaa iydana heshay 8 cod.

Guddiga ayaa sheegay in lagu kala guuleysan doono doorashada kursiga HOP#060 musharixii helaa 50+1 uu sidaa ku hanan dooni doorashada kursigaas.

Muddo kadib Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Qaali Cali Shire oo heshay 61 cod ay ky guuleysatay doorashada kursiga HOP#060, halka Ubax Tahliil Warsame ay  heshay 40 cod.

You might also like More from author