Puntland oo Wariye ku Riday Xukun

Maxakamadda ciidamada Puntland ayaa Wariye Kilwe ku xukuntay saddex bilood oo xabsi ah .

Wariya Kilwe Addan Faarax ayaa horay u xirnaa Mudda dhan 2 billod ama 60-dan cesho oo aan lasoo taajinin wax maxkamad ah mudadaas wariyaha xirnaa oo dhan.

Maxamakadda Ciimadank Puntland waxaa kaloo ay  bahda warfidiyeenka u sheegtay in xeer ilaalinta Puntland aysan soo bandhigin wax cadeymo muuqda ah oo wariye Kilwe loo heysto .

Weriye Kilwe Adden ayaa lagu eedeeyey in uu si toos u duubay  sawirka madaxweynaha dowlad Gobolayd –ka Puntland mudane Deni oo la jeexjeexayo.

28 December 2020 oo aheyd markii Wariye Kilwe Aadan la xiray ayaa maxkamadda ciidanka Puntland sheegtay in xukunkiisu kasoo bilaaban doono.

Xukunka Wariye Kilwe Aadan ayaa noqon doona kii ugu hooreeyey ee maxkammada ciidank Puntlad ay wariye ku riddo.

Ururka  Suxufiyiinta Puntland ay ku bahoobeyn  ayaa ku tilmaamay xariga wariyha mid baal marsan sharciga iyo dastuurka maamulka Puntland.

BY: MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author