Puntland oo u jawaabtay Wasiir Goodax

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa beeniyay hadal ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada ee dowladda Federaalka ah.

Wasiir Cabdullahi Maxamed ayaa beeniyay sheegashada Wasiir Goodax ee ah in Imtixaanka Puntland uu isaguna fashilmay.

Cabdullahi Goodax Barre ayaa kaga dhawaaqay Magaalada Jowhar in Imtixaanka guud ee dowlad Goboleedka Puntland uu isna u fashilmay sida kii dowladda Federaalka ah.

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo arrintaas ka hadlayay ayaa sheegay in fashilka Imtixaanka uu kali ku yahay Wasiir Cabdullahi Goodax Barre.

Goodax iyo Wasiirka amniga ayaa shalay Jowhar u tagay sidii ay Hirshebelle uga dhaacin lahaayeen in aysan ku dhaqaaqin go’aan uu qaatay Madaxweynaha Maamulkaas oo sheegay in Imtixaanka ay iyaga qabsanayaan.

Ardey ku dhow 16 kun oo Qof ayaa shalay degaannada Puntland uga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dusgiyada sare iyo kuwa dhexe.

You might also like More from author