Puntland oo Muujisay in ay taagersan tahay Raysalwasaare Rooble

War-murtiyeedka Dowladda Puntland ay wax kasoo saartay caawa, kama turjumayo sida dad badan oo adeegsanaya baraha Bulshada ay u marin habaabinayaan. Hoggaaminta Doorashada iyo amniga dalka waxaa leh Ra’iisal Wasaaraha XFS, sida ku cad Dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray.

Shirka 21-23 September 2021, loogu ballansanyahay Garoowe wuxuu gogol xaar u yahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu dardargelinayo dhameystirka Doorashada.

W/Q: Agaasimaha Warfaafinta Puntland Jaamac Dabraani.

You might also like More from author