Puntland oo Kheyre ku edeyay in uu qalalaaso ka abuurayo Gaalkacyo

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaliil u jeedisay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/Raxmaan Dhabana-cad ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirro kale ay Garowe uga tageen sidii Ra’isalwasaaraha ugu soo dhaweyn lahaayeen Gaalkacyo qeybteeda Waqooyi.

Waxaa uu sheegay in Ra’isalwasaaraha uu diiday soo dhaweyntooda islamarkaana ay dalbadeen in waqooyiga Gaalkacyo ay banaaanbax uga qeyb galaan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Dhabana-Cad ayaa xusay in Isimada iyo waxgaradkii ay u diyaariyeen soo dhaweynta Ra’isalwasaaraha ay ka raalli gelinayaan waxa dhacay.

Xasan Cali Kheyre ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalad Gaalkacyo qeybteeda Koofureed,waxaana uu halkaas kula kulmayay Bulshada ku nool magaaladaas.

You might also like More from author