Puntland oo cafisay 120 Maxbuus

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa cafis u fidisay 120 ka mid ah Maxaabiista kala duwan ee ku jirta Xabsiyada Maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in la cafiyay 120 Maxbuus kuwaas oo laga kala daayay xabsiyada Magaalooyinka Boosaaso, Garowe, Gaalkacyo, iyo Qardho.

Magaalo kasta ayaa waxaa laga siidaayay ugu yaraan 20 maxbuus waxaana guud ahaan la daayay 121 Maxbuus.

Wareegtada lagu siidaayay Maxaabiista ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay soo jeedinta xeer ilaaliyaha Puntland iyo munaasibadda Ciidda darteed.

You might also like More from author