Puntland iyo Somaliland oo is dhaafsanaya 17 Maxaabiis ah

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa ku heshiiyay in maalinta Berri ah oo Isniin ah ay isdhaafsadaan Maxaabiistii ay ku kala qabsadeen dagaalladii ku dhexmaray Tukarraq.

Puntland ayaa dhinaceeda dagaalkaas ku qabatay 18 ka mid ahaa Ciidamad Somaliland,waxaana ay sii deysay 15 ka mid ah markii ay noqdeen kuwa u dhashay Sool iyo Sanaag.

Somaliland ayaa dhinaceeda qabatay 14 ka mid ah Ciidamada Puntland,waxaana dhawaan siideyntooda ballanqaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Saddexda Maxaabiis ee ku jira gacanta Puntland ayaa la sheegay in midkood uu yahay sarkaal ka tirsan Milatariga Maamulka Somaliland halka labada kale ay Askaryihiin.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa 8dii Feb 2018kii waxaa ay ku dagaallameen Tukarraq,halkaas oo Somaliland ay dagaal kula wareegtay ilaa maantana ka taliso.

You might also like More from author