oo faah faahisay sababta Kenya ugu ololeyneysay qaraarkii la laalay

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay arrinteda iska aheyd mid cad kaas oo ku saabsanaa in Al-Shabaab lagu daro Liiska Caalamiga ah ee waxa loogu yeero argagaxisada.

Waxaa uu sheegay in ay horay u jireen qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab,hayeeshee xilligaan aysan muuqanin mid akle lagu soo daro.

Waxa uu hdalkiisa inatasi ku daray in hadii ay Kenya daacad ka tahay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab kaliya uu ku filan yahay qaraaarkii hore ee Qaramada oo ahaa 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah.

You might also like More from author