NISA oo sheegtay iney gacanta ku dhigtay laba Shabaab ah oo dil damacsanaa.

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa sheegtay iney gacanta ku soo dhigtay laba xubnood oo ay ku sheegtay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxeyna soo bandhigtay hub ay wateen raggan.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka NISA, ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo qabtay ay damacsanaayeen iney dil u geystaan dad Shacab ah, balse laamaha amaanka ay gacanta ku dhiggeen kahor inta aysan toogashada geysan.

“Hawgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo  maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale  ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sirdoonka Soomaaliya ma aanu soo bandhiggin Sawirrada shaqsiyaadka ay sheegeen iney soo qabteen, kuwaasoo laga soo qabtay duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

You might also like More from author