NISA oo ka digtay shirqool lagu beegsanayo madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble

War qoraal ah oo lagu daabacay Twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ay hayaan digniin halis ah, taasi oo la xiriiro shirqool ay NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Taliska NISA ayaa Qoraalkooda ku sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab u hoggaaminayo sarkaal ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Mahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA

Qoraalka ka soo baxay Taliska NISA, ma jiraan xog Faahfaahsan oo ay bixiyeen iyo cadeymo la xiriira digniinta ay soo saareen.

 

You might also like More from author