Taliye kuxigeenkii Ciidanka Iiraan Oo Saaka Geeriyooday

Dawlada Iiraan ayaa xaqiijisey saaka oo Isniin ah geerida Taliye kuxigeenkii Ciidamada Qaranka Dalkaasi.

Mohammad Hussein-Zada Hejazi waxa uu ahaa shakhsi awood badan ku lahaa Iiraan kadib dilkii sanadkii hore loo geystay Taliyihii kacaanka Dalkaasi Qaasim Suleymaani.

Si kedis ah ayaa wadnaha istaagay sida ay xaqiijinayaan Warbaahinat Gudaha Dalkaasi,waxaana uu ahaa 65 sano jir.

Aas Qaran ayaa loo sameyn doonaa,ayna ka qeyb geli doonaan Madaxweyne Xasan Ruuxaani iyo Hogaamiyaha Shiicada Xasan Nasrullaah.

Iiraan ayaa weysay mid kaloo saameyn ku dhex lahaa ciidanka gaarka ah ee QUDUS,oo ah Gaashaanka ay ku tashadaan marka loo eego difaaca Waddankaasi.

You might also like More from author