Nabad Sugidda Gedo oo sheegay inuu isu dhiibay Nin ka tirsanaa Al-shabaab

Nabad Sugudda Maamulka Gedo ee Jubaland ayaa sheegay in uu isu dhiibay Nin dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda oo Ninkan ku soo bandhigay  Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa sheegay Ninkan ay ka badbaadiyeen Al-shabaab,xilliga uu isdhiibayayna ay ceyrsanayeen.

Cali Xasan Deeq, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland,ayaa sheegay in Ninkan oo lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Nuur, uu 12 sano ka mid ahaa Al-shabaab haddana isaga baxay iskuna dhiibay Ciidamada Maamulka Jubaland ee Dooloow jooga.

Cabdullahi Axmed Nuur,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu baaq u dirayo Ragga isaga la midka ah ee ku jira Al-shabaab waxa auu xusay in duurka ay ku noolyihiin noloshana aad u adagtahay.

Taliyana Nabad Sugidda Gedo ee Jubaland ayaa sheegay in uu wali furanyahay cafis uu Madaxweynaha Jubaland u fidiyay xubnaha ku jiro AL-shabaab ugana bixi karaan maamulka.

Waxaa uu baaq u diray waaliddiinta ay carruurtooda ku jiraan Al-shabaab isaga oo sheegay in maamulkooda ay soo dhaweynayaan dhallinyarada isaga baxda Al-shabaab.

You might also like More from author