Nabad sugida oo si Qarsoodi ah ugu soo dhoofisay Muqdisho nin ka tirsan Jabhadda ONLF

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Cismaan Cilmi Nuur Taardhuleed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay Ciidamada Nabad Suggida ee ka howlgalla degaanada maamulka Galmudug in ay degaanada Galmudug ka dhoofiyeen nin ka tirsanaan Jabhadda ONLF.

Waxaa uu sheegay in ninkaasi Galmudug ay ku waday Baaritaano, islamarkaana ay ciidamada si qarsoodi ah ugu soo dhoofiyeen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in hadii dowladda Dhexe aysan gacanta u soo galin Galmudug ninkaasi in ay Galmudug ka fiirsan doonto Xiriirka kala dhaxeeya.

Ciidamada NISA ayuu sidoo kale sheegay in ay dhibaato ka waddaan degaanada maamulka Galmudug.

Ciidamada Nabadsuggida ee NISA ee ka howlgallo Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa la sheegay in ay si qarsoodi ah xabsi ugala soo baxeen ninkaasi ka dibna ay Muqdisho u soo dhoofiyeen.

You might also like More from author