M/weyne ku xigeenka Galmudug & G/Baarlamaanka oo Maxkamad looga yeeray

Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa saddex maalmood u qabatay in ay ku hortagaan Madaxweyne ku xigeenka,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tiro Xildhibaanno ah.

Wareegto uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug Yaxye Sh.Cali Maxamed ayaa ku sheegay wareegtadiisa in ay dacwad ka taallo Maxkamadda sare ee Galmudug.

Dadka ay Maxkamadda dalbatay oo gaaraya 25 Qof ayaa loogu hanjabay haddii waqtiga loo qabtay ay Maxkamadda ku tagi waayaan ay la kulmi doonaan tallaabo Sharciga waafaqsan.

You might also like More from author