M/weyne Gaas“Qadar ma naqaanno meel ay ku taal,in ay Atam heysana waan ogahay”

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland wax xiriir ah aysan lalahayn dowladda Qadar,waxaana uu shaki geliyay halka ay ku taallo dowladda Qadar.

Gaas,ayaa sheegey in Imaaraadka iyo Qadar aysan Soomaaliya isku meel u joogin,gaar ahaan Puntland oo uu sheegay in Imaaraadka ay dhisayaan dekadda Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu yiri “annaga xiriir lama lihin Qadar,mana naqaan meel ay ku taal,waxaa ay heysaa Atam oo dhibaatada aad ogeydeen ka abuuray Galgala”.

Dowladda Soomaaliya ee Federaalka ah ayuu ku dhaliilay go’aanka ay ka qaadatay arrimaha Maamulka Galmudug,waxaana uu dowladda ugu baaqay in ay ka fiirsato go’aannada qaar.

Gaas,ayaa horay u sheegay in maamulkiisu taageersan yahay Xulufada Suuucdiga hoggaaminayo ee cunaqabeynta ku rogay Waddanka Qadar,waxaana ku xigsaday maamullada Hirshabeelle,Koofur Galbeed iyo Galmudug,iyada oo madaxweynihii Hirshabeelle xilkiisiiba ku waayay,Galmudugna qalalaase siyaasadeed hadda ku jirto.

You might also like More from author