MW Farmaajo oo u safray Adis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safray Magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo kuga qeyb galayo kulanka Golaha Midowga Afrika oo ka qabsoomaya magaaladaasi.

Shirkan ayaa la filayaa in maalin berri ee Sabtida oo ku beegan 5 bisha Feberary uu ka furmo magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ee, iyadoo Hoggaameyaash Afrika ay halkaasi ku qulqulayaan.

Kulanka oo ah kii 35-aad ee ay Madaxda yeeshaan oo uu Guddoominayo Madaxweynaha Senegal ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda Amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Afrika, arrimaha Binu aadanimada iyo xoojinta xiriirka ay qaaradda lala leedahay xulufadeeda Caalamka.

Shirka waxaa uu ku soo aadaya xilli dalal badan oo ka tirsan Afrika looga diyaar garoobayo Doorashada Madaxtooyadda, dalalkaasi ayaa waaxaa kamid ah Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in halkaasi uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya.

You might also like More from author