MW Farmaajo iyo RW Rooble oo kulmaya.

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble ayaa la filayaa in ay kulmaan si ay xal kaga gaaraan khilaafka u dhaxeeya.

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koofur galbeed ayaa shalay ilaa xalay waday dadaalo xoogan oo ay iskugu keenayaan labada masuul.

MW Farmaajo iyo RW Rooble ayaa iskaga hor yimid xil ka qaadistii Taliyihii NISA Fahad Yaasiin inkastoo madaxweynaha markii dambe uu aqbalay balse uu kasoo horjeedo in Bashiir Goobe noqdo Taliyaha nabad sugidda.

Lama oga in khilaaf ka dhex jira madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha la dhameyn doono iyo in kale maadaama labada dhinac kala taagan yihiin mowqifyo iyo go’aan adag.

You might also like More from author