Muwaadin Soomaaliyeed Oo Galabta Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaali ah iyo Labo South African ah, ayaa galabta lagu dilay Xaafadda Cravenby oo 7km u jirta Xaafadda Soomaalida Bellville ee Magaalada Cape Town, sida ay goobjoogayaashu sheegayaan.

Ibraahim Maxamuud oo ku magac dheeraa Biibaaye, ayaa ALLAHA u Naxariistee waxaa rasaas ku furay dablay hubaysan, xilli uu watay Gaariga yar ee darbiga saaran ee ka horeeya Ambalaasta, waxay xabadaha ka haleeleen qaarka sare, halka Wiil yar oo South African ah oo gaariga la saarnaa uu sidoo kale ku dhintay rasaastaasi, Haweeneey kale oo darbiga uu gaariga jiiray maraysay ayaa sidoo kale ku Geeriyootay dhacdadaasi.

Boliiska, oo baaritaano xooggan wada, ayaa isku hareereeyey goobta uu falku ka dhacay oo ah agagaarka Masjidka Cravenby, hase ahaatee kooxda falka gaysatay waa ay baxsadeen.

You might also like More from author