Muuse Biixi oo Puntland ka dalbaday siideynta Maxaabiista Somaliland

Madaxweynaha Maamulka SOmaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maamulka Puntland ka dalbaday in ay sii daayaan Maxaabiista ka soo jeedda Somaliland.

Muuse ayaa dhinaciisa sheegay in Somaliland ay siideyneyso Maxaabiista ay ka hayaan Puntland ee lagu qabtay dagaallada dhexmaray labada Maamul sanadihii la soo dhaafay.

Waxaa uu sidoo kale nabad gelyo ugu baaqay Maamulka Puntland oo uu sheegay in ay wadaagaan sohdin gaareysa 500KM.

Somaliland ayaa shalay u dabaaldegtay sanadguuradii 28aad ee markii ay sheegatay madaxbanaanida ka soo wareegtay.

Maxaabiista labada dhinaca ay ku kala qabsadeen dagaallada dhexmaray ayaa u badan kuwo ku kala qabsadeen dagaalladii ku dhexmaray Sool iyo Sanaag.

 

You might also like More from author