Musharax sheegay in loo diiday in uu ku tartamo kursi yaala Baydhabo.
–Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursigii uu ku fadhiyay ee HOP#18, isagoo xusay in Koofur galbeed aysan ahayn meel qof wadani ah uu kursi ka doonto.
Qoraal dheer uu soo saaray ayuu sidoo kale, ugu mahadceliyay cid kasta oo isaga u muujisay garab istaag taageernimo.
“Waxaan u mahadceliyo dhamaan Bulsha waynta Soomaaliyeed, Saaxiibadeyda, taageerayasheyda oo habeen iyo maalin igu garabtaagnaa taagyeero dhan walba ah, waxaan sidoo kale mahadcelinayaa beesha aan ku matalayay kursigaan baarlamanka 10’aad Gollaha Shacabka oo ah Shacab aad iyo aad u qiimo badan waxaan idin rajeynayaa hormar, barwaqo iyo isku duubni. ayuu qoraalkiisa ku yiri Amar dambe.
Sidoo kale, wuxuu yiri “Maamulka Koonfur Galbeed ma’ahan meel ay qof Wadaniyad, Karti iyo Xushmad leh Xil u soo doonto, doorasha kama dhicin ee waa xulasho “shaqsi naceyb” ku taqrifal a woodeed.
Issgoo hadalkiisa intaa ku daray “Waxaa ka codsanayaa in aan iscafino, Bulshada aan ku matalayay Kursiga, Shacabka Soomaaliyeed iyo dhaman dadkii aan soo wadashaqeynay mudadii aan xilka hayay ee 5’ta sano.”
Sidoo kale, Xildhibaan hore Cali Xasan Amar dambe ayaa ku tilmaamay DG Koofur galbeed in kuwa xukuma uu ka qaldan yahay fahamka demogaradiyadda, isagoo ku baaqay in aysan burburin dowladnimada la haysto oo si jilicsan lagu soo dhisay dib-u- heshiisintii Carta.