Murashax Madaxweyne Maxamed Cabdi Gaandi oo geeriyooday

Waxaa ku geeriyooday Dalka faransiiska Allaha unaxariistee Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Gaandi waxa uu ahaa Aqoonyahan Caan ka ah Soomaalida,waxa uu gaaray darajada Professor,isagoo siyaasada Jubbaland aad looga yaqaanay.

Xanuun muddooyinkii dambe hayey ayuu ugu dambeyn galabta ugu xijaabtay Caasimada Faransiiska Ee Paris Cusbitaal ku yaalla.

Waxa uu bilo ka hor ka mid noqday Madasha Xisbiyada Qaran Ee Farmaajo dhaliilsanaa,hayeeshee muddooyinkii dambe waa laga waayey Saaxada siyaasada.

Professorka waxa uu ka mid dadka ugu aqoonta badan Soomaalida waxuuna haystay dhowr shahaado oo PHD ah. Taqasusyadiisa waxaa ka mid ahaa aqoonta qabiilada Soomaalida iyo deegaanadooda, Prof Gaandi waxuu tiir-dhaxaad u ahaa Dhismihii Dawlad Gobolleedka Jubbaland,isagoo mar noqday Madaxweynihii Maamulka Azaaniya ee aan taageerada helin.

You might also like More from author