Muqdisho: Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo dibadbaxay saaka

Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ayaa saaka Banaanbax ka dhigay Magaalada Muqdisho waxana ay xireen isu socodka dadweynaha.

Gaadiidleyda qaarkood oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Askarta dowladda ee jidadka dhooban kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay dadweynaha qaadaan.

Waxaa kale oo ay u sheegeen Idaacadda Mustaqbal in ay bixiyaan lacagaha Canshuurta ee dowladda una dheertahay Isbaarooyin dadban oo magaalada dhexyaalla islamarkaana aan loo oggoleyn in ay dadweynaha qaadaan.

Mid ka mid ah Wadayaasha oo la hadlay Raadiyaha Mustaqbal ayaa sheegay in Waddada ka soo baxda Danwadaagta ilaa Soobbe aysan isu socon karin islamarkaana waddada dhinaca dambe ee Isgoyska Korontada ka xirantahay halkii ay dadka ka raran lahaayeenna loo diiday.

Waxaa uu sheegay Wadaha la hadlay Mustaqbal in ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen isaga oo sheegay in ay wadayaan ilaa ay Dowladda wax ka qabato dhibaatada ay ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author