Muqdisho Oo laga furey laba Warshadood

Muqdisho Tagtey hadii laga Furey Warshada Galeyda iyo Burka

Waxay ka mid tahay Warshadaha ku soo kordhay duleedka Magaallada Muqdisho, waana Warshad aad loogu baahnaa, taasoo soo saarta Bur iyo Galley Shiidan oo lagu Farsameeyay dalka.

Waxaa aas aaskeeda lahaa ganacsato Soomaaliyeed oo isu tagay, kuwaas oo gartay in baahi dhanka cuntada ah ay ka jirto dalka, isla markaana Warshadaha nuucan oo kale ah lagu bad baadin karo Bulshada Soomaaliyeed kolka ay cunto yari iyo abaaro dhacaan.

Xaaji Muuse Cali, Maamulaha shirkadda SomGrain oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in markii ay arkeen baahidan aadka u ba’an ee jirta ay go’aansadeen in ay aas aasaan warshaddan, maadaama dadku ay ka guureen isticmaalka wax soo saarka dalka, sida Galleyda, Qamadiga iwm, isla markaana u guureen Baasto iyo Bariis.

Sidoo kale waxay Warshaddani dhiirri gelinaysaa Beeraleyda dalka oo ay ka iibsanayaan Dalaggooda, isla markaana u helaan suuq ka iibsada waxyaabaha ay Beeraan.

Warshaddan oo ay ka shaqeeyaan illaa 15 shaqaale ayaa haddii ay sidii loogu talo galay wax u soo saarto waxay maalintii soo saari kartaa 90 Tan oo Raashin ah, waxaana waxyaabaha ay soo saarto ay isugu jiraan Jawaanno 25kg, 10kg, 5kg iyo Baco yar yar oo ay ku jiraan 2kg iyo 1kg.

You might also like More from author