Muqdisho: Jidadkii xirnaa oo la sii xiray

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay adkeeyeen amniga waddooyinka Magaalada Muqdisho,waxaana la joojiyay dhamaan isu socodka Gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ayaa saaka ku amraya dadka in ay lugeeyaan kana dagaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee markii horeba kala wareegga ahaa.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in todobaadka xorriyadda Soomaaliya darteed layn doono amaanka Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amniga ayaa waxaa ay 31dii March xireen waddooyinka Muqdisho,waxaana kaliya la ogolaa gaadiidka loo yaqaanno Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Maanta ayey ka duwantahay sidii hore waxaana la wada xiray dhamaan waddooyinka iyada oo xitaa gaadiidka dowladda laftooda aysan isu oggoleyn isgoysyada qaar.

You might also like More from author