Muqdisho: Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Oo Ka hadalay sababta Ay Uga qeyb gali waayen Tartanka bariga iyo bartamaha Africa

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ahna Guddoomiye xigeenka CECAFA ahna Guddoomiyaha tartamada CECAFA mudane Cabdi Qani Siciid Carab ayaa waxaa uu shir jaraaid maanta warbaahinta ugu qabtay xafiiska xiriirka ayaa waxaa uu cadeeyay sababta rasmiga ah ee Soomaaliya ugu qayb gali wayso tartanka bariga iyo bartamaha africa isaga oo sheegay in laba sababood ay ugu baaqdeen tartankaasi balse aysan jirin wararka been abuurka ah ay saxaafada Kenya qortay waxaana uu yiri.

“Sida aad la socotaan waxaa 16 bishan aoo baxay jadwalka isku aadka tartanka CECAFA waxaana siyaabo qaldan loo faafiyay warkaasi,hadaba waxaan rabaa in aan idiin cadeeyo in arrimaha aan ugu baaqanay ay yihiin.

1:Sida aad ogtihiin dalka waxaa ka dhacay 14 bishii October musiibo qaran oo aad noo saameesay waxaana tartanka CECAFA lagu dhawaaqay 2 bishii Octoober waxaana tababar qaranka uu bilaabay 14 Bishaasi waana maalintii ay musiibada dhacday waxaa lagu dhawaaqay laba uabuuc oo shaqo joojin qaran ilaa heer madaxwayne anagana masii wadi karin tababar iyo shaqadeenii maadaama dareenka guud uu muraal ahaan dilmay waxaana isugu yeernay guddiga xiriirka waxaana qaadanay in aanan diyaar garow ahaan iyo musiibadii dalka ka dhacday owgeed aan ugu qayb gali karin tartanka CECAFA waana sababahaasi mana jiraan waxa la sheegayo waana u sheegay CECAFA waana kala xisaabtami doonaa wariyihii qoray warkaasi”ayui yiri Cabdi Qani Carab.

Si kastaba waxaa hadalkan kusoo beegmayaa iyadoo maalmahan la isla dhexmarayay hadalo been abuur ah oo saxaafada iyo baraha bulshada lagu faafiyay taasi oo aan sal iyo raad toona lahayn.

You might also like More from author