Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari Oo la Diyaariyay,

Ayada oo la hadal haayay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre Ayaa Hadana Waxaa Soo Baxaayo Mooshin Midakaas garab Socdo Oo laga Keenaayo Gudoonka Barlamaanka gaar ahaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Mohamed Sheikh osman Jawaari, Mooshinkaan Oo Maalmihi Ugu Danbeeyay Aad u xoogeysanaayo ayaa Laga dareemayaa Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Warar Dheeraad ah oo ay Heleyso Shabakada Xamarpost ayaa Sheegaayo in Mooshinkaan uu gadaal ka riixaayo Xildhibaan Farah sheikh Abdulkadir. Oo Aad u saluugsanaay Qaabka Loo Dhisay gudi hoosaadyada Baarlamaanka. Sidoo kale waxaa Mooshinka Dhaqaajinaayo R/wasaare Kheyre oo Asigana Mooshinka iskaga jeedin rabo Mooshinka Asiga laga soo diyaarinaayo.

Xildhibaanda Mooshinkaan Wado ayaa Hada isku Aruursanaayo Hoteelada magaalada Muqdisho. Waxaana Horkacaayo Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamanka Soomaliya Xildhibaan Abdiwali Sheikh Ibrahim Muudeey.

Xamarpost.com
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

You might also like More from author