Mine Action oo soo saartay Warbixin Qaraxyadii Soomaaliya 2020-kii

Hay’adda Qaramad Midoobey u qaabilsan ka ortagga Miinooyinka ayaa soo saartay warbxin sanadeedka Qaraxyada Miinooyinka ee ka dhacay SOomaaliya sanadkii la soo dhaafay,khasaaraha nafeed ee ay geysteen.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 454 Qarax Miino ay ka dhaceen Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay ee 2020 islamarkaana ay geysteen khasaare kala duwan.

Dadka waxyeellada ka soo gaartay waxaa lagu sheegay tiradooda guud 53 Qof oo Rayid ah oo dhimasho ah, halka 2019kii ay ahayd dhimashada qaraxyada Dadka rayidka ah 59 qof.

Agaasimaha Mine Action ee Soomaaliya Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa  sheegtay in marka la barbar dhigo sanadkii kaas ka horreeyay ee 2019 Miinooyinka ay hoos u dhacen.

2019 Qaraxyada Miinooyinka ah ee ka dhacay Somaaliya waxaa ay waxyeello gaarsiiyeen 1140 qof oo Rayid ah sida ku cad warbixinta Mine Action ee sanad laha ah.

Warbixinta waxaa kale oo lagu xusay in khasaaraha ugu badan ee Miinooyinka uu gaaray Askarta Dowladda sida Booliska iyo Miltariga.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu sheegay in sanadkii la soo dhaafat hoos u dhaca Miinooyinka uu muujinayo heerka wacyi gelinta ka hortagga Miinooyinka.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay ku dadaaleyso barnaamijyada wacyi gelinta ah ee la xiriira la dagaallanka iyo yareynta wayxeellada Miinooyinka ee Soomaaliya.

You might also like More from author