Miinooyin Al Shabaab geliyey deegaano dhowr ah oo lasoo saaray

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka ka fuliyeen deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku aasnaayeen miinooyin.

Howlgalka oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka iyo ururka 4-aad guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayay kasameeyeen tuulooyin hoos taga deegaanka bariire ee gobolka Shabeelaha hoose.

Deegaanada kala ah Ballow iyo Nuunnaay ayey ciidamada kasoo saareen miinooyin aan qarxin sida ay saraakiisha howlgalka hogaamineysay ay sheegeen.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku guuleysteen inay kusoo saaraan Afar ka mid ah miinooyinka dhulka lagu aaso , kuwaas oo la geliyey jidka udhexeeya Awdheegle iyo bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha ayaa howlgalkaan ku sheegay in uu yahay mid looga hortegayo weerarada Al-Shabaab mararka qaar ka fuliyaan deegaannada hore looga saaray oo ciidanka Xoogga dalka hadda kusugan yihiin.

You might also like More from author