Midowga Yurub Oo Taageeray Go’aankii Golaha Midowga Africa gaareen

Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika Khamiistii ka gaareen Xaalada Soomaaliya.

War kasoo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Joseph borrell ayaa lagu sheegay In Midowga Yurub uu taageersan yahay diidmada qayaxan Ee muddo kordhin kasta.

Sargaalkaan katirsan Midowga Yurub ayaa hoosta ka xariiqay in ay ku baaqayaan si deg deg leh loogu laabto wada xaajoodka, oo uu fududeeyo ergayga Midowga Afrika, si loo helo is afgarad dhanka doorashooyinka ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii la gaaray sanadkii hore 17-kii Sebtember.

Midowga Yurub ayaa wuxuu kaloo soo dhaweeyay baaqa ah in Shirka dalal ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo lagu qiimeynayo xaalada amni ee haatan ka jirta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa ballan qaaday in diyaar ay u yihii si dhaw u lashaqeeyaan ergayga midowga africa, dhanka kale, wuxuu codsanayaa deggenaansho iyo in laga fogaado talaabo kasta oo kale oo sii xumeyn karta xiisada Soomaaliya.

You might also like More from author