Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqay taageero dhaqaale.

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 149Milyan oo Yuuroo oo loogu talagalay dhamaan dalalka ku yaalla geeska Afrika.

Warbixin shalay oo Jimco ahayd ka soo baxday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in geeska Afrika waddamada kuyaalla ay  saameeyeen dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka midtahay khilaafaadka gudaha ee barakaca sababay, Ayaxa dalagga Beeraleyda baabi’yay iyo Caabuqa Covid19.

Midowga Yurub ayaa sheegay in dalalka Jabuuti, Kenya, Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya, Uganda, Koofurta Suudaan, Suudaan iyo Tanzania.

Kaalmadan dhaqaale ayaa waxaa Soomaaliya uga soo aadday Shan Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Warbixinta Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in 11 Milyan oo ka mid ah dadka ku nool Geeska Afrika ay u baahanyihiin gargaar degdeg ah.

Dadkaas waxaa ka mid ah 4Milyan oo Qaxooti ah kuwaas oo ka cararay dalalkooda kuna sugan dalal kale.

You might also like More from author