Midowga Africa oo codsi lama filaan ah usoo diray Madaxweyne Farmaajo

Dowladda Congo ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed iyo Madaxweynaha Congo ay dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmeen Magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Uganda.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaxwenaha Congo ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in uu aqbalo Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya John Maham kaas oo magacaabistiisii kaddib ay dowladda Soomaaliya diidday.

Afhayeenka Madaxweynaha Congo Zenon Mukongo, ayaa sheegay in Hoggaamiyayaasha oo ka qeybgalay caleemasaarkii Museveni ayaa waxaa ay wada qaateen kulan doceedyo.

Afhayeenku ma sheegin in Madaxweyne Farmaajo aqbalay codsiga Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Congo hayeeshee waxaa uu sheegay in kulan Arbacadii uu Midowga Afrika ka yeelan lahaa go’aanka diidmada ah ee Soomaaliya dib loo dhigay.

Soomaaliya ayaa Ergeyga Midowga Afrika ee lagu magacaab John Mahama ku eedeysay in uu xiriir la leeyaha Kenya oo ay is hayaan Soomaaliya.

Wargeys kasoo baxa Ghana ayaa daabacay in Mahama uu ku fashilmay shaqadiisa Soomaaliya hayeshee Qareenkiisa oo la hadlay Idaacadda Okey Afrika ee Waddanka Ghana ayaa beeniyay arrinkaas sida uu sheegay maaddaama uusan shaqo billaabinba aysan jirin shaqo uu ku fashilmay.

Todobaadkaan gudahiisa ayey Midowga Afrika kulan ka yeelan doonaan go’aanka ayDolwadda Federaalka ah ku diidday Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

You might also like More from author