Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Suudaan oo geeriyooday

Mid ka mid ah dhaawacayada weerarkii 14kii Bishan ka dhacay isgoyska 14-ka October ex-Soobbe ayaa ku geeriyooday Dalka Suudaan oo dhaawaciisa loo qaaday.

Allaha u naxariistee Siidow  Cabdullahi Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa dhaawacyada ayaa ku geeriyooday intii Hawada ay ku jirtay Diyaaradda ka qaadday Muqdisho sida uu sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo dhaawacyadaas lagu dabiibayo.

Dalka Suudaan waxaa la geeyay tiro dhaawacyo ah oo gaaraya 29,waxaana dhaawacyadii hore la sheegayaa in ay darxumo ku heysato Isbiitaal ay Ardeyda ku tababartaan.

Hayeeshee Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Suudan ayaa sheegay in lagu kala saaray ee aan si dhameystiran loo dhigin isbsitaalkaas.

Muwaaddinka geeriyooday ee Siidow Cabdullahi Maxamed waxaa la socday wiilkiisa oo isna dhaawac ah iyo Xaaskiisa oo u raacday ehel ahaan,waxaase uu ku dhintay dalkaasi Suudaan.

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo dhallil ay u jeediyeen Soomaalida Suudan ayaa beenisay in ay dayacanyihiin Dhaawacyada dalkaas la geeyay.

Diyaarad ay leedahay dowladda Qadar ayaa labo jeer dhaawacyo ka qaadday Mqudisho,waxaana ay geysay Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan,iyada oo dowladda Qadar ku cudur daaratay in dalkeeda uu go’doon ku jiro islamarkaana aysan awoodin daweynta dhaawacyada.

You might also like More from author