Michael Keating oo War kasoo saaray Doorashadii Baarlamaanka Fariina u diray Guddoonka cusub

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Doorashada Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa waxa ay u hambalyeysay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya  Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Doorashada Guddoomiyaha cusub ay muujinayso sida Soomaaliya ay u gaartay hanaanka dimuqraadiyadda.

Keating ayaa ammaaney shaqadii uu soo qabtay gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo soo jeediyey inay wada shaqeyn iyo isfaham yeeshaan Fulinta iyo sharci dejinta.

“Waxaan kula dardaarmayaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka inuu ka shaqeeyo arrimaha dajinta shuruucda kala duwan ee dalka xilligaan u baahan yahay.” Ayuu yiri Keating.

Ugu dambeyntii Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey Musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalka uu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda.

You might also like More from author