Meydad laga soo saaray Saakay Hoteelka Naasa Hablood

Wariye ku sugan Hoteelka Naasa Hablood ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka ay saakay Hoteelka ku gudihiisa kasoo saareen meydadka 8 qof oo la toogtay.

Waxaa ku jira dadkaasi Haween iyo Caruur.

Waxaa suurtagal ah in sidoo kale wali ay gudaha Hoteelka ku jiraan Meydad Kale, laakiin waxaa socdo wali baaritaano.

Hoteelka ayaa waxaa ka muuqda Burbur xooggan , waxaana guud ahaan si weyn isku badalay Jawiga Hoteelka.

Weerarkii waa lasoo Afjaray sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ammaanka, laakiin wali waxaa socda baaritaano ku aadan in dad dhintay ay ku hoos jiraan dhismeyayaasha burburay.

You might also like More from author