Meelaha Saaka oo Arbaco Ah Laga ciidayo Soomaaliya Waa Xagee?

Dhowr Magaalo oo ku yaalla Soomaaliya ayaa laga tukaday Salaada ciidul fidriga Arbacada Maanta ah,iyadoo inta badan dalalka Islaamka berri ay shaaciyeen in ciida tahay.

Deegaanada Al Shabaab ka taliyaan ayaa salaada laga oogay xalay ayaana ay ku dhawaaqday Qeybta Warfaafinta Al Shabaab qaabilsan in Arbacada maanta ciid tahay.

8 Qof ayey Al Shabaab sheegeen in ay arkeen Bisha soon fur sidaa awgeedna la hubiyey inay kalsooni lagu qabi karo waana la dhaariyey.

Meelaha laga arkay Bisha oo Al Shabaab sheegeen waxaa ka mid ah Gobollada Bay,Bakool iyo Hiiraan,sidaa awgeedna waa la oogay salaada Ciida.

Dawlada Soomaaliya iyo Dalalka Caalamul Islaam ayaana maanta laga sooman yahay 30-ka Ramadaan kadib raadinta bisha markii la waayey khamiista berri ayaana la ciidi doonaa.

You might also like More from author