Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo ku dhawaaqday in ururada siyaasaddu furan yihiin.

Maxkamadda Sare Ee Somaliland ayaa hadda ku dhawaaqday in ururadii siyaasaddu furan yihiin ka gadaal maalmo laga dhursugayay go’aanka maxkamadda.

Xeerkaan ay maanta maxkamaddu ku dhawaaqday ayaa muran badan dhaliyey, iyadoona maxkamaddu sheegtay in uu dhaqangal yahay xeerkani oo cidii han leh ay furan karto xisbi.

Maxkamadda ayaa cadaysay in doorashada ururadu ay noqonayso mid toos ah oo ay qabanayaan guddiga doorashooyinka Somaliland,waxaana ay meesha ka saartey in loo dabro deegaanka ama loo xiro.

Hoos ka akhriso Go’aanka maxkamadda.

You might also like More from author