Maxkamadda Gobolka Banaadir oo burisay dacwad ka taalay Wasiirka Amniga Jubbaland oo Muqdisho ku sugan

Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa burisay Dacwad ka taalay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C.rashiid Janan, kaasi oo ay soo gudbisay Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku taariikhsan 30-ka bishii 4aad ee sanadkan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada CID inay xiraan gal dacwadeedka.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C.rashiid Janan ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, kadib markii shalay Safar qarsoodi ah uu ku yimid Muqdisho.

You might also like More from author