Maxay tahay sababta loo hakiyay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ?

ar qoraal ah oo shalay gelinkii dambe kasoo baxay Laanta Socdaalka ee dowladda Kenya ayaa waxaa lagu hakiyey duulimaadyadii tooska aha ee Magalada muqdisho iyo Magalada Nairobi,iyada oo diyaarada ka duusha Muqdisho loo wareejiyey inay sii marto Magalada Wajeer.

Hayeeshee tallaabadaas ayaa waxaa ka hadashay Dowladda Soomaaliya,iyada oo sheegtay in arrintaasi ay dowladda Kenya kusoo wargelisay,balse ilaa iyo hadda aysan u cadeyn sababaha keenay in diyaaradaha ka duula Muqdisho ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan Magalada Wajeer.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Maxamed Cabdullahi Salaad ‘Oomaar’ ayaa xaqiijiyey in Kenya la soo wadaagtay go’aankaas,hayeeshee aysan jirin sababo sahli kara in Kenya joojiso duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Isaga oo Wasiirka la hadlayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay baaris ku heyso wixii keenay Go’aanka ay gaartay Kenya,isla markaana baaritaankaas waxyaabihii kasoo baxa ay soo gudin doonaan.

Bishii Maarso ee Sanadkii 2017kii ayaa waxaa jiray heshiis dhexmaray  dowladda Soomaaliya iyo Kenya kaas oo sahlay in diyaarada ka duusha Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi xilli markii hore ay sii mari jirtay Magalada Nairobi.

You might also like More from author