Maxay tahay sababta ka dambeysa magacaabista deg dega ah ee gudiga KMG doorashooyinka qaranka

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal  Sh/C/raxmaan ayaa maanta magacaabay Guddi ka kooban 15 xubnood oo noqonaya Guddiga KMG ah ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Muxuu yahay sharcigan?

Sharcigan waxaa uu noqonayaa midka lagu dhaqmayo xilliga ay dhacayaan doorashooyinka qaranka ee dalka oo ay ugu soo horreyso doorashada 2020/201.

Sharcigan waxaa horay u diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha, Feredaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya,waxaana ay golaha shacabka u gudbisay 2dii May 2019.

Markii Golaha shacabka uu qaabilay hindise sharciyeedka Doorashooyinka qaranka ee ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa waxaa ka hor yimid dowlad Goboleedyada, xisbiyada  iyo Ururrada bulshada rayidka ah.

Maxaa lagu qoonsaday xeerka ay soo diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha?

Inta ugu badan madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, xisbiyada iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ka soo horjeestay waxaa ay sheegeen in xeerkan uu oggolaanayo muddo kordhin loo sameeyo Madaxtooyada iyo Golaha shacabka.

Qodobka 56aad ee xeerkan farqaddiisa 1aad ayaa sheegaya in haddii dalku ka dhacaan daruufo sababi waaya in doorasho ka dhacdo dalka ay Xildhibaannada Golaha shacabka shaqada sii wadayaan ilaa Guddiga doorashada uu ka shaaciyo muddada doorashada la qabanayo.

You might also like More from author