Maxay Kawada hadleen Rooble & Safiirka Imaaraat-ka Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale iyo Kan Shaqada C/wahaab Xuseen Khaliif.

You might also like More from author