Maxay ka wada hadleen Wasiirka Maaliyadda iyo Safiirka Mareykanka?

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Mareykanka, Larry André.

Kulanka oo ka dhacay xarruunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay halka uu marayo hannaanka dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo ay kamid tahay Nidaamka Deyn Cafinta.

You might also like More from author