MAXADWEYNE FARMAAJO OO KU BAAQAY SHIR-KALE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale waxaa uu cilaamiyey  shir looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo muran badani hareeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynayaasha  dowlad Goboleyd-yada ee xubanaha ka dowlada Soomaaliya ka codsaday in ay soo xaadiraan 4ta-bishaan  Maarso, 2021 magaalada Muqdishu – caasimada Soamaaliya.

Kulankaan oo la filayo in uu socdo mudda dhan hal maalin ayaa qorshuhu yahay dhameestirka kulankii Baydhabo ee gudiga farsamada doorashooyinka ee qabsoomay 15-16 –ka bishii Febaraayo ee sanadkaan 2021.

Lama hubo in ay wada aqbalayaan Maamul Goboleyd-yada dhamaantood baaqa Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan kasoo qeyb galka shirkaan maadaama Madaxweynayaasha Putland iyo Jubbaland – Dani iyo Axmed Madoobe ay horay u qaadaceen Shirar kale oo uu Madxweyne Farmaajo Cilaanshay.

BY : MOHAMED YAHYE JIINOW 

You might also like More from author