Maxaad kala socotaa shirka Garowe oo maalinkii shanaad galay

Magaalada  Garoowe waxaa maalinkii 5-aad ka sococonaya  Shirka wadatashiga ee   u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo waliba maamulka Gobolka Banaadir oo shirkan qeyb ka ah

Maalintii 5-aad oo uu shirku galay ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadlay.Wararka qaar ee ka soo baxaya shirkan ayaa sheegaya in la isku afgartay qaar ka mid ah qodobada la isku hayay ee shirka qeybta ka ahaa

Heshiisyada la isla meeldhigay ayaa waxa ka mid ah xal u helida khilaafka ka dhax aloolsan maamul ghoboleedka galmudug waxana la isku afgartay  in la isu keeno dhinacyada isku khilaafsan Galmudug.

Sidoo kale qodobada la isla gartay ee soo baxaya ayaa sheegaya in doorashada Jubaland wakhtigeeda la qabto iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya laga saxiixay in aysan wax fara-gelin ah ku samayn doonin doorashada madaxtinimada Jubaland.a  in la xoojiyo wada-shaqeynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo in wax kasta oo tabasha yimaada laga wada-hadlo iyadoo la qaban doono kulamo dambe oo lagu sii wadayo wada-shaqeynta.

Si la mid ah shirka ayaa looga hadlay  Amniga Qaranka iyadoo la isku raacay in la sameeyo qorshe amni oo midaysan kaasi oo ay ku wada-shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada gaar ahaanna xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirkan oo ah kii ugu waqtiga dheeraa oo ay yeeshaan madaxda dalka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta barito ah oo jimca ah hadii lagu heshiiyo qodobada dhiman ee u baahan in laga wada hadlo waxana shirkan gogosheeda dhigay madaxweynaha maamulka puntland saciid cabdulahi deni ka gadaal markii uu arkay in khilaaf wayn udhaxeeyo madaxda dowlada fadaralka soomaaliya iyo kuwa maamul goboleeyada  kaa oo ubaahan in xal laga gaaro

You might also like More from author