Maxaabiis Soomaali ah oo dalka kenya ku Dhamaystay Xabsi 7 Sano Oo Maantay Xorriyaddooda helay

Maanta oo Khamiis ah, Sagaal muwaaddin oo Soomaali ah oo dalka Kenya ku dhammaystay xabsi 7 sano ah ayaa xorriyaddooda helay, dibna ugu laabtay magaallada Muqdisho. Dhallinyaradaan ayaa 2012kii laga soo qabtay xeebaha gobolka Bari, ayaga oo lagu eedeeyay Burcad-Badeednimo.

Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya Ee dalka kenya Cali Maxamed Sheikh Cali Bagadi ayaa xabsiga ku booqday, isla markaana sagootiyay, ayada oo safaaraddu ay jidmar iyo labis u qeybisay dhallinyaradan.
Beryahanba waxaa Socoday dadaalo xoog leh oo lagu jiro Si deyanta Maxaabiista Soomaaliyeed Ee ku xiran dalalka caalamka.

 

Xamarpost.com
Xafiiska Kenya
[email protected]

You might also like More from author