Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka maanta uu Shir guddoomin doono Gudoomiyaha cusub?

Golaha Shacabka ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku qaadanaya Xarunta Villa Hargeysa, kadib dhismo lagu bilaabay Xarunta Golaha Shacabka oo ay ku shaqeynayeen Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku kulmaan Guddoonka Golaha iyo Guddiyada Joogtada waxaa kusii shaqeyn doono golaha Shacabka maadaama xaruntooda la hagaajinayo.

Sida ku cad Fariinta ajendaha Kulanka Baarlamanka ee loo diro Xildhibaanada, waxa ay maanta ka hadli doonaan Habmaamuuska Xeerka lagu aas-aasay Midowga Afrika ee Khuseeya Midwoga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir gudoomin doona, waana shirkiisii ugu horeeyay tan iyo 30-kii bishaan oo uu ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xeerkaan shalay Horgeeyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadibna ay Cod u qaadeen Xubnihii Kulanka Xaadiray.

Isla Gudoomiye Mahad ayaa lagu wadaa in uu Faah-faahin ka siiyo Xildhibaanada kahor inta aanan loo gudbin, si uu Xog ugu siiyo si lamid ah kahor jeedintii Golaha Wasiirka inta aanan markii dambe Gacan taag ku ansixin.

You might also like More from author