Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Kheyre Iyo Madaxweyne Lafgareen?

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen).

Madaxweyne laftagareen iyo Ra”iisul Wasaaraha ayaa iska Xog-wareystay Arimaha Deegaanada KGS iyo Dhismaha Gollaha Wasiirada meesha ay wax mareyaan.

Madaxweyne C/casiis ayaa Ra”iisul wasaraha Sharxaad dheer ka siiyay xaalada deeganada kgs ay Iminka ku sugan yihiin iyo waxayaaba ay u baahan yihiin Bulshadakgs in wax lagala qabto.

Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa sidoo kale shalay waxaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee DFS kuwooda kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa labadii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author