Maxaa ka jira in la hakiyay Doorashada kursiga uu sharaxan yahay Fahad Yaasiin?

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya hakinta kursi la sheegay in uu sharraxan yahay la taliyaha Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasi oo deegaaan Doorashadiisa tahay Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in Guddiga Doorashada Heer Federaal uu hakiyay Doorashada kursiga HOP-86 oo ay dhowaan Guddigu shaaciyeen in doorashadiisa la qaban doono.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086, Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”.

Haddaba arrinataasi waxaa ka hor yimid Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle oo WarSaxaafadeed soo saaray ayaa War kaasi ku tilmaamay mid been abuur ah, isla markaasna dhowaaan la qabanayo Doorashada kursigaasi.

Talaabada  Guddiga ayaa ku soo aadaya  xili la filayay  in Fahad Yaasiin uu u ambabaxo  magaalada Beledweyne, si uu isugu diyaariyo doorashada kursigan.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Faarax Cabdulqaadir hadda arrimo caafimaad dalka uga maqan.

You might also like More from author