Mauritius oo eedeysay Somaliland

Dowladda Mauritius ayaa eedeeyn iyo cambaareyn isugu dartay maamulka Somaliland oo ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay heshiisyadii maxaabiista Burcad Badeedda Soomaalida.

Ra’isalwasaaraha Dalka Mauritius, Pravind Jugnauth oo ka qeybgalay shirkii Afrika iyo Japan ee lagu qabtay Yokahama ayaa waxaa uu halkaas kula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’isalwasaare Pravind Jugnauth, ayaa Somaliland ku cambaareeyay go’aanka ay ku siideysay Maxaabiistaas oo waqtigii lagu xukumay aan dhameysan.

Dowladda Seychelles ayaa, ayaa ka codsatay waddamada ku yaalla Badweynta Hindiya in ay cambaareeyaan Somaliland kaddib markii sida ay sheegtay jebisay heshiis dhexmaray Waddamada dhaca Badweynta Hindiya oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcad Badeedda Soomaalida ah.

Bishii July ee la soo dhaafay ayey Somaliland siideysay 19 Maxaabiis Burcad Badeed Soomaali ah kuwaas oo lagu xukumay dalka Seychelles looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa siideynta Maxaabiistaan u cuskaday cafis Madaxweyne iyo codsi uu ka helay Ehellada Maxaabiista.

You might also like More from author