Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo xanuunka la qeybsaday dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay Hargeysa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa isna ka mid noqday mas’uuliyiintii ka hadashay dabkii xooganaa ee ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in dabka xalay ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa uu aad ugu xun yahay xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada xoolahoodii ku waayay iyo dadka kale ee waxyeelladu ka soo gaartay.

“Waxaan aad uga xumahay dabka caawa ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, kaas oo geystay khasaare baaxad leh.
Waxaan xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada xoolahoodii ku waayay iyo dadka kale ee waxyeelladu ka soo gaartay.
Waxaan Eebbe u weydiinayaa baddel kheyr leh iyo sabir.”

You might also like More from author